Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa xaqiinisay inay kordheen tirada dadka uu soo ritay cudurka Coronavirus, waxaana maanta soo kordhay 9 qof oo lix ka mid ah la sheegay inay xiriir la sameeyeen qof horay cudurkan looga helay.

Labo ka mid waxay ka tirsan yihiin Shaqaalaha Wasaaradda Caafimaadka, waxaan tirada ka dhigeysa 4 qof shaqaalaha Wasaaradda oo cudurkan laga helay.

Mid ka mid 9ka qof ayaa la sheegay inuu yahay Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Hirshabeelle, waxaana kiisaska cudurkan uu u muuqdaa mid isa soo taraya.

Halkan hoose ka akhriso War Saxaafadeedka:-

 



Source link