Dr. Maxamed Maxamud Cali (Fuje) Lataliyaha Sare ee Wasaaradda Caafimaadka ayaa bulshada gaarsiiyay fariimo wacyigelineed ee ku aadan caabuqa COVID-19. Wuxuu dhambaal gaar ah u reebay dhalinyarada Soomaaliyeed maadaama ay yihiin 62% dadka uu haleelay caabuqa sidaa oo ay tahay xarunta daweynta waxaa jiifa waa dadka da’da ah oo waalidiinta ah.

Midaa waxaa ay muujineysaa in dhalinyaradu ay leeyihiin difaac adag halka waalidiintu ay aad u liitaan difaac ahaan halakaas waxaa kaaga soo baxaayo halkudhigii ahaa ‘’ Is badbaadi oo waalidkaagana badbaadi’’ adigoo xiranaayo af-xir, gacmahana u dhaqanaaya si joogto ah iyo hadaad isku aragto calaamadaha caabuqa gurigaaga joog.

Wuxuu Dr Fuje uu soo jeediyay in ay aad u fiicnaan laheyd in dhalinyarada ay qeyb weyn ka qaataan wacyigelinta lagu xakameenaayo caabuqa ayna yimaadan idaacadaha iyo TV yada si ay ula wadaagaan fariimo wacyigelineed bulshadooda ayna uga digaan qataraha caabuqa COVID-19. See More



Source link